Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga iyo Al-shabaab oo ka socda deegaanka ku yaala gobolka Hiiraan

|

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal wali ka socda deegaanka Beera-yabaal ee gobolka Hiraan, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa sidoo kale waxaa lasoo warinaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeyn ka wadaan deegaanka Beera-yabaal oo ay ku dagaalamayaan ciidanka xoogga iyo Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama uu weli socdo, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan uu soo gaaray labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeyso.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

 

Related Articles

News In English

Fikradaha