Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal saakay ka dhacay waaxda Ciise Cabdi ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda iyo kooxo ku hubeysanaa bistoolado, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay shaqsiyaadkii hubeysanaa, iyo haween shacab ah oo wadada mareysay, halka uu ku dhaawacmay askari katirsan ciidanka dowladda.
Dhinaca kale Taliska Booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in raggan ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay dil ka gaystaan halkaasi, balse laga hortegay.
War-saxaafadeedka Booliiska Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saaka Magaalada Muqdisho toogasho ku dilay laba nin oo Bistoolado ku hubaysan kana tirsan Khawaariijta oo doonayey inay dilaan Ciidamo howlgal ku jiray.
“Waxaa ku dhaawacmay howlgalkan lagu khaarijiyey labadan nin Askari katirsan Ciidanka Boliiska oo kamid ahaa Ciidamada ku guuleystay soo afjaridda dhagartii ay maleegayeen Khawaariijta ,waxaana gacanta lagu hayaa hubkii ay wateen iyo Maydkooda.” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.