Ciidaka xoogga dalka ayaa qabtay nin ku eedeysan inuu magaalada Xaradheere, uu doonyay inuu soo geliyo walxaha qarxa, kaddib baaritaan ay ku sameyeen ciidanka markii ay ka shakiyeen.
Ninka ay ciidanka ay howlgalka ku qabteen ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Abuukar iley, kaasi oo marka ay ciidanka qabanayeen siday agabyo kala duwan sida Tarmuuso iyo kuwo kale oo ay ka buuxeen walxaha qarxa.“Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Abukar Ileey oo damacsanaa in uu qarax soo geliyo magaalada.”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga
Geesta kale ninka ku eedeysan inuu magaala Xaradheere, soo geliyay waxyaabaha qarxa, ayaa horay uga tirsanaa ciidanka deegaanka ee qeybta ka ah dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-shabaab, balse ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay inuu ninkan Shabaab gacan saar la yeesho, isla markaana ay usoo dhiibaan waxyaabaha qarxa.
Sawirrada qaraxa iyo ninkii siday