Golaha wasiirrada oo yeeshay kulan looga hadlayay doorashada iyo dhameystirka Dastuurka

|

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda doorashada iyo dhameystirka Dastuurka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan laheyd doorka kaga aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan lana doorto.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda loo dhanyahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aadan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha