Taliye Odowaa “Ciidanka Danab dagaalka aan kula jirno Khawaarijta kaalin weyn ayey ka qaataan”

|

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

Tababarka loo soo xiray ciidan cusub ee ka mid noqonaya kumaandooska Danab, ayaa waxa in muddo ah tababar kala duwan ay ku qaateen Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, ayaa waxa uu kormeeray cutubyada ciidamadda, wuxuuna dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay.

Sidoo kale Taliye Odowaa  ayaa sheegay  muhiimada ay ciidamada Danab u leeyihiin Difaaca Dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ciidanka danab dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, uu yahay mid adag oo mudan in lagu ammaano ciidanka.

“Ciidanka Danab dagaalka aan kula jirno Khawaarijta kaalin weyn ayey ka qaataan dufcada maanta tababarka soo dhameysatay waxay nagu soo kordhin doonaan dhiig cusub”. Waadna mudan tihiin in laidinku amaano dagaalka adage e aad kula jiraan Khawaarijta.” Ayuu yiri Taliye Odowaa.

Sikastaba, ciidanka dowladda ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, iyada oo howlgalladii u dambeeyey ee ka dhacay qeybo kamid ah gobollada dalka,  ay dowladda kula wareegtay deegaano cusub.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha