Warara dheeraad ah ayaa laga helaya dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ee loo yaqaan suuqa Idaacadda.
Dabka ayaa la sheegay inuu baabi’iyay inta badan goobihii ganacsi ee suuqa ku yaalay, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo fara badan kaasi oo soo gaaray ganacsatada reer Hargeysa.
Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabka si fudud loo damin karay balse la waayay waddooyin ay maraan gaadiidka Dab damiska ah, taasina ay sababtay inuu dabka ku sii faafo suuqa inkasto markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.
Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka, ayaan weli la ogeyn inkasto hadda la tirakoobayo goobha ganacsi ee dabka ku basbeelay.
Sidoo kale suuqa Idaacadda ayaa ah suuq isku raran ah oo aan laheyn waddooyin ay dhex mari karaan gadiidka Dab damiska ah markii uu dab ka kaco suuqa.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u tacsiyadeeyay shacabkii ku hanti belay dabkii xalay ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland
“Waxaan ka tacsiyeynayaa shacabkii ay hantidu kaga waxyeelowday dabkii xalay ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeiysa. Waxaan Illaahay u waydiinayaa in uu cawil Khayr qaba ugu beddelo waxyeelladaa soo gaadhay hantidooda, waxaanan rajaynayaa in shacab iyo Dawladba la barbar istaago dadkaa dabku waxyeelleeyey hantidoodii.” Ayuu yiri Muuse Biixi