Warar dheeraad ayaa laga helaya dagaal xooggan oo saakay waaberigii hore ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan labada dhinacna ay isku adeegsanayeen hubka culus, ayaa waaa ka dhashay khasaar isugu jira dhimasho oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayay iyo dad shacabka, sida ilo deegaanka ay inoo sheegeen.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka saakay ku dhintay guddoomiyihii arrimaha bulshada degmada Baardheere ee dhowaan ay dowladda federaalka u magacaawday, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ileys Caagane iyo labo ruux oo kale.
Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in askar iyo saraakiishii kala hoggaamineysay labada ciidan ay soo gareen dhaawacyo kala duwan.
Sikastaba, dagaalkan ayaa imaanaya xili shalay gelinkii hore ee ay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere ay la waregeen ciidamada Jubbaland, kaddib markii ay isaga baxeen ciidanka dwoladda oo muddooyinkii dambe maamulayay.