Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hortagtay qarax ay Al-shabaab damacsanayeen inay ka fuliyaan suuqa ganacsi oo ku yaalla degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad, ayaa la sheegay inay heleen xog ku aadan in Al-shabaab ay qarax ku aaseen suuqa ganacsi ee degmada Xudur, waxaana howlgal ay sameyeen ku fashiliyeen in ay ka hortgaan qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.
“Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha gobolka Bakool ayaa manta fashiliyay qarax miino ah nooca dhulka lagu aas ah oo ay khawaarijtu ku qariyreen suuq ganacsi oo ku yaal magaalada Xuddur ee gobolka Bakool”. Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka xoogga.
Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysya howlgalka looga hortagay qaraxa lagu aasay suuqa ganacsi ee degmada Xudur, ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayeen in dhibaato ku gaarsiiyaan qaraxa shacab aan waxba galabsan.