Meydka ugu yaraan 28 tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin saxare ku yaalla koonfurta bari ee dalka Liibiya, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.
Xabaalaha ayaa laga helay waqooyiga Kufra, maalmo uun kadib markii xabaal wadareed kale oo 19 meyd ah laga helay beer ku taal isla magaaladaas.
Saraakiisha ayaa helay xabaalaha ugu dambeeyay kadib weerar lagu qaaday goob dadka lagu tahriibiyo, halkaasoo mas’uuliyiintu ay ku sii daayeen 76 muhaajiriin ah oo la xiray lana jirdilay, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo dhigay Facebook.
“Waxaa jirtay koox burcad ah oo xubnaheedu ay si bareer ah xorriyadda uga qaadeen tahriibayaal si sharci darro ah u soo galay, way jir dileen, waxayna u geysteen dhibaatooyin naxariis la’aan ah oo xun, oo ceebeyn iyo tacaddi ka dhan ah bini’aadamnimada,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxaa weli socda baadigoobka oo laga sameynayo Kufra oo in ka badan 1,700 kilomitir (1,056 meyl) u jirta caasimadda Liibiya ee Tripoli.
Sidoo kale sannadkii hore, xabaalo-wadareed ay ku jiraan ugu yaraan 65 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga helay Koonfur-galbeed ee Liibiya. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ku tilmaantay arrin aad looga naxo waqtigaas.
Tan iyo markii la afgambiyay hogaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadi 2011, dalkaasi waxa uu noqday marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee halista ugu jira saxaraha halista ah iyo marinka badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub.
Unicef ayaa sheegtay in sanadkii 2024-kii tirada dadka ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka ee isku dayay in ay gaaraan Yurub ay kor u dhaaftay 2,200 oo qof.