Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaan ku yaalla Shabeellaha Dhexe

|

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo deegaanka Cadaan-laxeey ku dhex maray ciidamada xoogga dalka iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lee yihiin deegaanka Cadaan-laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalkaasi la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka, kaddib markii ay heleen xog ku aadan weerarka, waxaana la tilmaamay in dagaal qaraar kaddib ay ciidanka u suura gashay in ay jabiyaan dagaalayanadii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in dagaalka khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,  inkastoo faah-faahin intaas ka badan aysan bixin.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha