Warar aan ka heleyno degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ay ku soo dhacday deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Diyaaradan Drones-ka ah, ayaa burburtay daqiiqado kaddib, Markii ay dhowr gantaal ku dhufatay deegaanka ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo aan ka fogeyn Cali Fool-dheere sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah.
Sidoo kale, Diyaarardan, ayaa waxa ay ku dhacday Taawarka wayn ee Shirkadda is-gaarsiinta Hormuud ee deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Weli saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degmada ma aysan bixin faaf faahin dheeraad ah oo ku saabsan shil diyaaradeed iyo waxa sababay.