Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro kala duwan oo la xiriira amniga magaalada Muqdisho iyo howlgallada ka socda dalka.
Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayuu kaga hadlay xaalada amniga Muqdisho iyo howlgallada ka socda dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya in hay’adaha amniga lagu amray in aan hub ama gaadiid dagaal lala gali Karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wasiir Da’uud, ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsiyadkii lagu hela ayaga oo baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah.
“Waxaa mamnuuc ah in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Geesta kale wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto howlgallada ka socda dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay la shaqeyaan ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka.