Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa waxa ay ku yesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku-xigeenadiisa, waxaa kulan soo xaadiray inta badan xildhibaanada golaha Shacabka.
Xildhibaanada oo akhris kala duwan soo marsiiyey hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda ee Soomaaliya, ayaa maanta ugu codeeyey meel marinta sharcigaasi.
139 mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaatay hindise sharciyeedkan, halka ay diideen 2 xildhibaan, mana jiro xildhibaan ka aamusay sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe.
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa xildhibaanada ugu mahad celiyay meel marinta hindise sharciyeedka ay wasaaradda soo gudbisay.