Dagaal u dhaxeeya ciidanka xoogga iyo Shabaab oo ka socda deegaanka Labo-garas

|

Wararka anu ka heleyno deegaanka Labo-garas ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dhowr jiho ka wareerageen Al-shabaab isku aruursanayay deegaanka Labo-garas, xaaladana ay xiligan tahay mid qaraar.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalka ka dhashay maadama uu weli socdo.

Maamulka Hir-shabeelle iyo saraakiisha ciidamada xoogga ee gobolka kama aysan hadlin dagaalkan maanta ka socda deegaanka Labo-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha