Madaxweynaha dowladda goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.
Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hir-shabeelle adkeysiga dagaalka kooxda Al-shabaab xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.
Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka Al-shabaab.
“Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow. Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle,”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn, Madaxweye Cali Guudlaawe, ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.