Xildhibaan Abiib oo waayay xubnimada golaha shacabka iyo sababta ka dambeysa

|

Gudoomiyaha golaha Shacabka Faderaalka Sheikh Aaden Madoobe ayaa xubnimadii xildhibaanimo  ka xayuubiyey Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ahaa xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,  si lamid ah sida Golaha wasiirada shaqo ka ceyrinta loogu sameeyo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201

Warqad kasoo baxday  xafiiska habdhowraha golaha shacabka oo ku saabsaneyd liiska xaadirinta xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana ogaaday in xubinta matasha kursiga HOP201, uusan soo xaadirin in ka badan 2 kalfadhi oo xiriir ah guud ahaan 141 fadhi ee u qabsoomay, sida darteed baahinda golohu u qabo xubinta ka bannaanatay goloha shacabka oo wajibaadkiisa dastuurig u guto ayaa amray in lasoo buuxiyo kuriga HOP201” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha golaha shacabka

Geesta kale Xildhibaanka la ceriyay ayaa qoraalo dhaadheer ka qori jiray habxukunka madaxda dawladda, gaar ahaana warbixino uu ku sheegay in uu musuqmaasuq ku dabagalay, sannadkii u dambeeyey ayuu ku sheegay in fariimo Hanjabaad ah ay madaxda Dowladda Soomaaliya qaarkood u direen, oo uusan sidaas Muqdisho u tagi karin cabsi uu ka qabo inay waxyeelo gaarsiiyaan.

Sikastaba, Kursigan HOP 201  waxaa horay ugu fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle oo ahaa wasiirka maaliyada Faderaalka, balse hadda kamid ah Lataliyayaasha madaxweynaha Somaliland.

Related Articles

News In English

Fikradaha