Wararka anu ka heleyno degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay maanta kacsan tahay kaddib markii shalay xuduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay.
Dagaalka oo dhex maray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya, ayaa si gaar ah ugu dhacay xuduuda Magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka Booliska Kenya, waxaana la sheegay in laga qaatay qorigii uu watay askarigaasi.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in sababta keentay dagaalka ay tahay in ciidamada Booliska Kenya ay xireen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa ganacsatada degmada Baladxaawo, xili uu ku sugnaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya, isla markaana aan la ogeyn sababta keentay in xiraan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya ay xabsiga ku jirdileen wiilka dhallinyarada ah, una sii gudbiyeen xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xireen xuduuda magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheere, sidoo kalana ay dowladda Kenya ciidamo badan soo dhoobtay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.