Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo qabtay askari kamid ah kuwa ilaalada waddooyinka ee Taraafikada, kaasi oo dil bareer ah u geystay wade Mooto Bajaaj.
Dilka ayaa ka dhacay Isgooyska Afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho, waxaana uu dilka sababay rabshado keentay in lagu gubo Gaari Booliska lee yahay, tallabadaasi oo ay sameyeen dhallinyaro deegaanka iyo kuwa Mooto Bajaajyada kaxeeya, iyaga oo ka carooday dilka loo geystay wadaha Mooto Bajaaj.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in askarigii dilka geystay lasoo xiray lana marsiin doono cadaaladda, waxa uu tilmaamay in aan la aqbali Karin in muwaadinta lagu xadgubo.
Sidoo kale Afhayeenka, waxa uu sheegay in eedeysanaha uu hadda ku xiran yahay xarunta hoggaanka Baarista ee C.I.D, waxa uuna xusay in aan la aqbali Karin in la burburiyo hanti dadweyne dambigana uu qaadan doono masuuliyadiisa shaqsiga geystay, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Booliska.
Sikastaba ma ahan markii ugu horeeysay uu askari katirsan ciidanka dowadda uu dil u geysto wade Mooto Bajaaj, iyada oo inta badana ay dowladda sheegto in ay wax ka qaban doono dilalka bareerka ah ee askarta ay u geysteen dadka shacabka ah, mana muuqato tallaabo ay dhacdooyinka dowladda waxa uga qabaneyso.