Ciidanka dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay degmada Balcad

|

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas saakay  dagaal uu ku dhaxmaray degmada Balcad Ciidanka dowladda iyo Al- Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al- Shabaab waddooyin dhawr ah oo magaalada ah ka soo galeen ka dib markii ay ka war heleen ciidanka dowladda weerar ay ku qaadeen.

Khasaare labada dhinac ah ayay ku waramayaan dadka deegaanka inuu jiro waxaana barbar socda barkac iyo cabsi ay muujinayaan dadka degmada Balcada ee Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda hadda waxaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay  isla markaana ciidanka dowladda ay riixeen kooxdii Al- Shabaab ee saaka weerarka ku soo qaaday degmada Balcad.

Sikastaba, dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale kooxda Al- Shabaab gudaha ay u soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa sidoo kale maalmo ka hor kooxda lagu arkay deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole oo ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha