Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray furimaha dagaalka ee Shabeellaha Dhexe

|

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka ku nool magaalada iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay dagaalayanada Al-shabaab.

Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo Khawaarijta ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha