Ciidamada amniga Bardaale oo toogtay madaxii lacag ururinta ee kooxda Shabaab

|

Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka amniga degmada Berdaale ka fuliyeen deegaanka Kooney ayaa lagu dilay Macalin Qaddiid, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa kooxdaAl-shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa  madax ka ahaa ururinta waxa ay ugu yeeraan Sakaawaadka oo ah lagacaha ay ka qaadaan shacabka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo ku saabsan halka uu ku sugnaa Macalin Qaddiid iyo xubno kale oo la socday.

Waxaana taasi kaddib la sheegay in ciidamada ay weeraraan  goobta, iyagoo halkaas ku dilay horjoogahan, iyagoona kasoo furtay qori Ak 47 iyo mooto fekon, halka xubnihii kale ay qaarkood baxsadeen.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha