Kooxo hubeysan oo weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso

|

Faaf faahino dheeraad ah ayaa laga helaya iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Bari.

Meleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan ayaa weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana dagaal kooban oo halkaasi ku dhex maray ciidamada amniga iyo maleeshiyaadka ku geeriyooday hal ruux oo katirsanaa maleeshiyadka weerarka soo qaaday.

Ciidamada amniga ee Saldhigga Boosaaso, ayaa iska caabiyay weerarka taasi oo keentay in raggii weeraka soo qaaday la jibiyo.

Sidoo kale Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay saldhigga si looga hortago isku day walbo oo la xiriira weerarka ku soo qaadan maleeshiyaadka.

Geesta kale iska hor-imaadka dhex maray ciidamada amniga iyo maleeshiyadka hubeysan ayaa daba socda kaddib markii dhowaan ciidamada ammaanka ee Puntland ay qabteen hub fara badan oo maleeshiyaad weerarka soo qaaday ay lee yihiin.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha