Puntland oo markii ugu horeeysay yeelatay hay’adda aqoonsiga dadweynaha

|

Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo lagu dhisayo hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland ( PID).

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Deni ayaa u qorneed sidan.

Madaxweynaha Puntland,  markuu arkay: Dasruuka dowladda Puntland

Markuu arkay baahida loo qabo dhismaha hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland.

Markuu arkay talo soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey: –

Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Geesta kale tallaabadan ayaa imaaneysa iyada uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan aqoonsiga dadweynaha oo ay biloowday dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha