Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Ceelka Nuur Gadow lagu dilay 5 xubnoo oo katirsanaa Al-shabaab, laguna gubay gaadiid ay wateen.
“Howlgalka waxaa lagu beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo deegaanka u yimid in Ceelka ay biyo ka dhaansadaan, balse ciidanka xoogga oo xogtooda hayay ayaa ku baxay goobtana ku toogtay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar.
Sidoo kale afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
“Ciidanka xoogga waxa ay howlgallo ka wadaan deegaanka Abooreey iyo nawaaxigiisa, iyaga oo ku baacsanaya Khawaarijta , khasaaro badan ayaa cadowga lagu gaarsiiyay howlgalka, welina waxaa socda tirakoobka gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa” ayuu yiri afhayeenka.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka sameeynayaan deegaanada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe