Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicda uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood.
Sidoo kale xarumahan ayaa isugu jira xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa intaa uu ku sugnaa magaalada Laascaanood, waxa uu dhagax dhigay mashaariic lagu horumarinayo deegaanada maamulka SSC-Khaatumo.