Mareykanka oo dhimaya awooda Safaaradiisa Muqdisho, halka kuwo kalana uu xirayo

|

Dowladda Mareykanka, ayaa la sheegay in ay xiri doonto ku dhowaad 30 Safaaradood  iyo Qunsuliyeed oo ay ku lee dahay wadamada Caalamka.

Warbixin ay baahisay CNN, ayaa lagu sheegay in dukumintiyo ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ay ku ogaadeen in Washington ay dhimeyso awooda safaaradaheeda Ciraaq iyo Soomaaliya iyada oo lagu koobi doono xafiisyo yar yar, labadan dal ayaa ah kuwa  uu Mareykanka howlgalladiisa argagixisada  ka wado.

Tallaabadan ayaa la sheegay in ay horsed u tahay waaxda cusub ee uu hoggaamiyo Elon Mask, taasi oo ka shaqeeysa kor  u qaadista waxtarka adeegyada dowladda Mareykanka.

“Dhukumeentigu wuxuu soo jeedinayaa in la xidho 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood. Qaar badan oo ka mid ah waxay ku yaallaan Yurub iyo Afrika, balse waxaa sidoo kale ku jira kuwa ku yaalla Aasiya iyo Kariibiyaanka. Waxaa ka mid ah safaaradaha ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo Koonfurta Suudaan,” ayaa lagu yiri warbixinta CNN.

Sikastaba, Trump ayaa markii dambe ka dhawaajiyay  inuu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo la dagaallanka Argagixisada, waxaana xusid mudan in Mareykanka uu saldhig militeri ku lee yahay Soomaaliya, isaga oo ciidamada dowladda ka caawiya howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha