Kooxda ‘AS’ oo la wareegay degmada Aadan Yabaal

|

Wararka anu ka heleyno degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in goordhaw ay degmadaasi la wareegeen kooxda Al-shabaab, kaddib markii saakay ay weerar dhowr jiho ah ay ku qadeen halkaasi.

Dagaalka oo ku biloowday qaraxyo ayaa socday muddo 5 saacadood ah kaasi oo u dhaxeeyay Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleey.

Ilo wareedyo, ayaa sheegay in Al-shabaab ay la waregeen, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga baxeen magaalada.

Xaalada ayaa ah mid cakiran, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, ee labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalka.

Dhanka kale ciidamo gurmad ah oo ka baxay dhinca Hiiraan , iyo kuwa laga qaaday Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay in ay ku sii jeedaan agaaga lagu dagaalamay si ay u xoojiyaan ciidamada goobta ku sugan.

Degmada Aadan Yabaal, ayaa ciidamada dowladda waxa ay la wareegeen bishii December ee 2022, markaasi oo uu socday gulufka dagaal ee wajiga koowaad ee uu hoggaamiyaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sikastaba, qabashada Al-shabaab ee deegaanka Aadan Yabaal, ayaa ku soo adeeysa iyada dagaal qaatay muddo labo todobaad ah oo ka socday deegaanka Abooreey, ay markii dambe ay ciidamada huwanta ah ay dib uga baxeen deegaankaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha