Faysal Cali Waraabe, oo “Hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”

|

Hargeysa (Onkod Radio) – Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu xalay toos u daawanayay Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waraabe ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha 10aad ee JFS, waxa uu sheegay in daawashadiisa ay u ahayd markii ugu horreysay uu si toos ah ula socdo doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa Shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud si uu dalka u gaarsiiyo doorasho awooddooda codeynta dib ugu soo celiyo si ay u doortaan Dadka ay rabaan.

“Waxa aan jeclahay in aan dhowr erey ka iraahdo Doorashada ka dhacday Muqdisho, Hambalyo, Hambalyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan leeyahay, inta Doorashadu ay socotay waan soo jeeday oo waa doorashadii igu horreysay ee aan daawaday” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka codsaday fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay Somaliland muddo xileedkiisa 2012-2017 si looga mira-dhaliyo wada-xaajoodka Dowladda Federaalka & Somaliland.

“Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha la doortay, horaa laguu doortay, Gacantaa kuu geystay aniga iyo Rag kaleba, waxa aan kaa codsanayaa Heshiisyadii aan wada galnay in aad fuliso go’aamadii oo aad ixtiraamto & in aad isasaxdid oo aad wax ka qabatid qaladaadkii hore ee aad xilka ku weysay” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15 ka May 2022 loo dhaariyay Madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa horyaalla howlo culus oo kala ah Amniga, dhaqaalaha, Siyaasadda, xiriirka Caalamiga ah & qodobo kale.

Related Articles

News In English

Fikradaha