Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka ayaa maanta la filaya in kulankoodi caadiga ahaa ku yesheen xarunta Villa Hargeysa, kaddib muddo ay fasax ku jireen.
Xoghayaha joogtada ee golaha shacabka, ayaa xalay xildhibaanada u diray farriin ku aadan in ay soo xaadiraan kulanka golaha, inkasto aan la shaacin ajandaha kulanka, hadana waxaa la filayaa inuu la xiriiro doodaha socda ee ku saabsan Dastuurka iyo jiheynta doorashada Dalka.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, iyada oo labada gole ay si wadajir ah uga doodayaan arrimaha la xiriira mustaqbalka siyaasadda dalka.