Shiinaha oo digniin u diray dalalka isku daya in ay heshiis dhaqaale la galaan Mareykanka

|

Shiinaha, ayaa Isniintii ku eedeeyey Xukuumadda Washington inay ku-takri-falayso cashuuraha, waxaanay digniin u dirtay Dalalka isku daya in ay heshiis dhaqaale oo ballaadhan la galaan Maraykanka.

Sidoo kale Shiinaha ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Mareykanka ay kharashkooda ku bixiyaan, iyagoo kor u qaaday hadal-hayntiisa dagaalka ganacsi ee xargaha goostay ee u dhexeeya labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Beijing ayaa sheegtay in ay si adag uga soo horjeedo Cid kasta oo heshiis la gasha Maraykanka talaabo na ay Ka qaadi doonto Dalalka isku la safta Maraykanka ee heshiis la gala sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Dawladda Shiinaha.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha