Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay lagu ruux oo shacab ah ku dilay magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada ruux la toogtay xili ay ku sugnaayeen hotel ku yaalla bartamaha magaalada Garoowe.
Sidoo kale dableydii dilka geystay ayaa la sheegay in durbo ay goobta isaga baxsadeen ka hor inta aysan ciidanka Booliska aysan goobta gaarin.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labadan ruux ee rayidka ah, hayeesheen bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa cabsi ka muujiyay falkan naxdinta leh.
Weli maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga, ayaan ka hadlin dilka naxdinta leh ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.