Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa dib loogu fasaxay duulimaadyadii tagi jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in sababta ka dambeysay xayiraad garoonka degmada Doolow, ay aheyd amni darro awgeed, kaddib markii 23-12-2024 oo diyaarada Halla Airlines 60-AAB, oo duulimaadkeedu ahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, laga afuudbtay garoonka diyaaradaha Kismaayo, lagana dajiyay garoonka degmada Doolow si qasab ah weliba lagu sheegay in ay aheyd mid baalmarsan sharciga.
Tallabadan ayaa waxa caqabad ku noqotay dad badan oo doonayay in ay arrimo caafimaad u yimadan Muqdisho, waxaana xusid mudan in maamulka Jubbaland uu marmar badan dowladda federaalka ku eedeeyay in ay cunaqabateyneyso shacabka ku nool degmada Doolow ee gobolka Gedo.