Duqa magaalada Muqdisho, Muungaab ayaa sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa liddiga ku ah amniga ee ay Muqdisho ka wadaan xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya.
Hadalka Muungaab ayaa ka dambeeyay iskudhac shalay ka dhacay Saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda oo dhexmaray ciidamo taabacsan mucaaradka iyo ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.
Iskudhacaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyo weliba waxyeello gaadiid iyo mid hantiyeed.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho ay shalay gashay marxalad aan la saadaalin karin meesha ay ku dhammaan doonto, waxaana suuragal ah in mucaaradka hubaysan iyo dowladdu markale iskudhacaan haddii aan murannada siyaasadeed oo ay doorashadu ugu weyntahay laga heshiin.
ONKOD RADIO