Xildhibaan Osmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uu isagu xiray walaalkiis kaddib markii uu walaakiis sida uu xildhibaanku sheegay aflagaaddeeyay madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanka oo ka hadlayay xariga walaalkiis ayaa yiri “Walaalkayga waxaa uu kamid noqday dadka caaya madaxweynaha. Ma aqbalayo in qof qoyskayga kamid ah uu ku tunto sumcadda madaxweynaha dalka. Waan amray in la xiro waana la soo deyn doonaa, balse waa digiin ku socota cid kasta oo madaxweynaha caayda.”
Waxaa hadalka xildhibaanka ka dhashay dood ku saabsan, cidda awoodda u leh soo xirista eedeynta iyo sharci-horkeenista muwaadinka.
ONKOD RADIO