Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Xassan Sheikh gaar ahaan habraaca doorashada soo socota ayaa ku kulmay dalka dibaddiisa, Nayroobi.
Kulanka oo ayeey dhammaadkiisi ka soo saareen war saxaafadda loogu talagalay ayaa sheegay, in ay isku afgarteen kulan degdeg uga dhaca gudaha Soomaaliya, kaas oo looga arrinsanayo sida ay sheegeen jeexidda jahada siyaasadda ee dalka iyo xoojinta xasiloonida siyaasadeed oo muddooyinkan dambe madmadow ku jiray.
Dhammaan qaybaha siyaasadda Soomaaliya ku foogan ayeey go’aamiyeen in shir wadajir ah loogu yeero.
Kulanka kooxdan mucaaradka ah ku ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan la filayo in Madaxweyne Xassan Sheekh uu tago magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbaland halkaasna heshiis kula soo galo madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Madoobe oo ay si weyn ugu kala boodsanaayeen siyaasadda dalka.
War-saxaafadeedka shirkan ka soo baxay ayaa sidan u qoran:
ONKOD RADIO