Reer Muqdisho oo maalin kaliya (4.10.2025) martiyay farxad iyo naxdin is-barkan- jidad la furay iyo Godka Jilacow oo la galay

|

Madax ay u muuq-dheeraayeen wasiirka koowaad ee Soomaaliya Mudane Hamze, guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Muungaab, Taliyaha NISA Mahad Salad iyo madax amni oo tira-beel ah oo farriin farxadeed sida ayaa jidad muddo dheer u xirnaa amnidarro oo dhaxgaan waaweyn iyo shub lagu jaray furay.

 Waxay madaxdan sheegeen, in ammaanka caasimaddu yahay mid sugan oo aan cabsi lahayn sidaas darteedna ay mudantahay in waddooyinka dib loo furo. dadka iyo gaadiidkuna ay si xor ugu safraan.

 Si kastaba ha ahaatee, waxaa farxaddaas hareeysay naxdin iyo argagax kaddib markii koox si heer sare ah loo soo agaasimay oo argagixiso ay weerar agaasiman ku ekeeyeen Godka Jilacow, xarun ay NISA maamusho oo xittaa aan lahayn jidad ay shacabka ka soo agdhowaan karaan ammaankeedana si sugan loo sugo.

 Waxaa xarun lagu hayo, lagu ciqaabo laguna baaro dadka looga shakisanyahay Alshabaabnimo iyo kuwa kale oo siyaabo kale halkaas ugu xiran.

 Salaadda Casar ee wakhtiga Muqdisho ayeey rasaas qaraxyo lagu suugeeyay ka billaabatay Godka Jilacow waxaana rasaas la maqlayay tan iyo salaaddii Cisho ee wakhtiga Muqdisho kaddib.

Dowladda ayaa sheegtay, in weerarkii la soo afjaray, qaabka ay kooxdu halkaas ku soo gashay iyo weliba in xaaladdu deggantahay amniguna suganyahay. Maxaabiis isku-xariirsan oo muuqaalladooda la baahiyayna waxay dowladdu sheegtay in la soo qabtay kaddib markii ay iskudayeen in ay xabsiga ka baxsadaan.

Warar aan la sugan ayaa sheegaya in maxaabiis Alshabaab ah oo halkaas ku jirtay ay baxsadeen, kuwaas oo qaar kamid ah loo heystay dembiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin dilal, shirqoollo iyo hagardaamooyin kale.

Su’aasha taagan ayaa ah, sidee maalin qura ay dowladdu ugu dhawaaqday in Xamar nabad yahay iyadoo islamaalintaas ay Alshabaab galeen meel kamid ah meelaha ugu adag in qof caadi ah uu xittaa ka agdhowaado.

Warka dowladda ee weerarka Godka Jilacow:

ONKOD RADIO

 

Related Articles

News In English

Fikradaha