Agaasimihii isbitaalka Banaadir oo xilka looga qaaday hooyo foolanaysa oo isbitaalka bannaanka looga saaray

|

Fadeexad ka dhalatay dayacaad hooyo foolanaysa oo isbitaalka Banaadir laga cayriyay ayaa keentay in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Ali Haji Adam uu xilka ka qaado Agaasimihii isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif.

Inkastoo uu markii hore wasiirka soo saaray war ku saabasan baaritaan lagu samaynayo dhacdada aadka loo naxay kaddibna lagu dhaqmi doono natiijada baaritaanka, ayaa waxaa hadda muuqata in baaritaanka oo aan weli billaabin uu wasiirku xilka ka qaaday agaasimaha isbitaalka oo muddo 7 sano halkaas madax ka ahayn.

Si kastaba  ha ahaatee, dhacdadan hooyada foolanaysa lagula kacay, hadal ay agaasime Fartuun warbaahinta u sheegtay ee ku saabsanaa in taxliil aanay dadka ku daawayn karin oo loo qaatay in dadka isbitaalka dowladda lacag looga qaado, ayaa waxaa abuurmay culays siyaasadeed oo keenay sida dad badan qabaan in agaasimaha isbitaalka xilka laga qaado sidaasna lagu damiyo doodda ka dhalatay dhacdadan.

Warar kale ayaa sheegaya, in arrintan ay salka ku hayso khilaaf horay uga dhexeeya wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha isbitaalka, sidaas darteedna uu wasiirka dhacdan uga faa’iidaystay xil ka qaadista agaasime Fartuun.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha