Labo nin oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Galgaduud iyo xiisad dilkaas ka dhalatay ka halkaas ka taagan

|

Warar laga helayo deegaanka Huurshe ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas labo nin lagu dilay. Dilka ayaa la sheegayaa in ay geesteen koox hubaysan oo dhanka Caabudwaaq isla gobolka Galgaduud ku yaal. Dilkan ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu aano iyo aargoosasho qabiil salka ku hayo.

Xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay dilkan ayaa deegaanka Huurshe iyo agagaarkiisa laga soo sheegayaa, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu isu beddesho is-u-gaarsi iyo meerto aano. Waxgaradka iyo dadka samaha jecel ayaa loogu baaqay in ay xaaladda soo dhexgalaan si looga baaqsado dilal kale oo deegaanka ka dhaca.

ONKOD RADIO

 

Related Articles

News In English

Fikradaha