Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro si hoose u soo dusinayay warar saadaalinaya in kahor sannadka cusub ee 2026 ay Somaliland heli doonto aqoonsi.
Aqoonsigaas oo la odorasayay in uu ay billaabi doonto Dowladda Israaiil kaddibna ay ka qalindaaran doonaan dalal Afrikaan ah oo koonfurta iyo Galbeedka Afrika dhacaya ayaa maanta oo ku beegan 26.12.2025 rumoobay, waxaana farriin qoraal, maqal iyo muuqaalba leh oo laga soo duubay Ra’iisal wasaaraha Israaiil, Benjamin Netanjahu lana dhigay barta Faceboo ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha si rasmi ah loogu dhawaaqay aqoonsigii ugu horreeyay ee ay Somaliland hesho.
Somaliland oo in kabadan 30 sano u halgamaysa hanashada aqoonsi dowladnimo, ayaa maanta gaartay mid kamid ah hadafyadii ay hiigsanaysay, waxaana damaashaad iyo dabbaaldeg laga aloosay Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.
Si kasta ha ahaatee, waxaa tallaabadan marka lagu jimeeyo dhacdooyinka hadda socda iyo tagtooyinka gobolkaba ay dad badani u arkaan, mid indhaha, ficillada iyo rasaasta dalalka iskuhaya badda Cas iyo Gacadka Cadmeed ku soo foorarinaya Geeska Afrika.
Waxaa la filan karaa, haddii aanay Somaliland la iman siyaasad dhexdhexaad ah, nabad u hiilin iyo odaytinnimo lagu laray ay qayb ka noqon doono dagaalka Gantaalaha Xuutiyiinta, calooshood u shaqaystayaasha la sheego in Imaaraadku maalgeliyo iyo argagixisada xasaradaha ku naaxda ee horay saldhigyada ugu lahayn kaabiyada Somaliland, kuwaas oo illaa iyo xad Somaliland ka sariigtay sabab kastaba ha keentee.

