Aabe Carruurtiisa Ku Dilay Gaalkacyo

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Wara.r dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Aabe subaxnimadii saakay ilmo uu dhalay ku dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dilka uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Israac ee Waqooyiga magaalada, dilka ilmaha ayaa waxaa loo adeegsaday Toorreey, sida Goobjoog uu u sheegay qof degan xaafadda.

”Wiilasha sida xogta nagu soo gaartay, saakay waxaan maqalnay in gacanta aabahood ay sababsadeen, Aabahaas oo lagu sheegay Aabe miyirkiisu aan taam aheyn oo maandooriye iyo wax lamida ah uu isticmaalay, Ilmaha maamo ayeeyadood ah ayaa haysatay uu kasoo waday sidaas ayuu ku gowracay” ayuu yiri qof la hadlay Goobjoog.

Da’dooda ayaa lagu sheegay laba caruur 8 jir iyo 7 jir, waxaana magacayadooda lagu sheegay Sakariye Axmed Cali iyo iyo Idiris Axmed Cali, waxaa ay la noolaayeen ayeeyadood, waxaa sidoo kale dadka deegaanka ay inoo sheegeen in reerku ahaa mid ladan oo ay jirin duruufo nololeed oo haystay sababna u noqon kartay.

 

Dadka xaafadda ee la dariska ah ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falka uu geystay Aabe Axmed Cali ee uu ku gowracay labada wiil uu isagau dhalay, waxaana ay intaas ku dareen in ilmaha hooyadii dhashay oo lagu magacaabo Ubax Cali, Aabaha iyo Hooyada ayaa kala tagay muddo hore.

Aabaha ayaa la sheegay in Ilmaha uu kasoo kaxeeyay xaafad ay joogeen oo ay daganeyn Ayeeyadood waxaana uu u sheegay inuu Ilmaha u kaxaynayo dalxiis, kadib sidaas uu ku gowracay, waxaana la ogeyn sababta ka dambaysay inuu dilo ilmihiisa, marka laga soo tago in la sheegay inuu cabay Maandooriye.

Ciidamada Booliiska oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay Aabe Axmed Cali, waxaana la geeyay xabsiga, dhacdadaan ayaa noqtay mid maanta siweyn looga dareemay xaafadda israac ee magaalada Gaalkacyo, lamana oga sababta ku kaliftay Axmed Cali inuu gowraco ilmaha uu isagu dhalay.

GoobJoog News

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...