Abaarta Soomaaliya: “Labo carruur ah ayaa waddada iiga soo dhimatay”

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxa sii kordhaya tirada dadka ka cararraya deegaannada ay sida ba’an u saameysay abaarta ku dhufutay waddanka Soomaaliya, iyadoo boqollaal qoys oo cusub ay ku biirayaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala magaalooyinka waaweyn.

Magaalooyinka ay dadkaasi ku soo qulqulayaan waxa kamid ah Baydhabo oo xeryaha ku yaala ay markii horeba marti galinayeen kumannaan qof oo marar kala duwan ka soo qaxay colaaddaha iyo abaarraha is xigxigay ee ku dhuftay gobollada Koonfurta.

Qoysaskaasi inta ay waddada ku soo jireen waxa gaajo iyo cudurro ugu dhintay qaar kamid ah caruurtooda.

Faadumo Cali oo labo caruura ay ka dhinteen ayaa BBC-da uga warantay sida ay caruurteedu ku dhinteen iyo dhibtii ay waddada ka soo mareen ka hor inta aanay Baydhabo soo gaarin.

Waxay sheegtay in carruurteeda ay uga dhinteen nafaqo darro iyo cunto la’aan kadib abaarta ee saameysay halkaas.

“Waan soo lugeynay shan canug ayaa naga soo dhimatay, saddex dadka dariskeyga waaye, labana aniga ayay iga dhinteen, waan soo lugeyneynay, gaari ma aanan wadanin”

Related Articles

News In English

Fikradaha