Abaarta Soomaaliya: “Wiilkeyga waddada ayaan kusii aasay gabadheydana meeshii aan tagay”

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Abaarta Soomaaliya: “Wiilkeyga waddada ayaan kusii aasay gabadheydana meeshii aan tagay”
 
Dhibaatooyinka ka dhashay saamaynta abaaraha ayaa in muddo ahba laga soo tabinayay meelo Soomaaliya ah, mararka qaarna waxaa soo baxayay warbixinno aad u naxdin badan.
 
Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.
 
Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.
 
Inkastoo ay jiraan waddamo kale oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika oo ay abaaruhu saameeyeen, haddana Soomaaliya ayay kasoo baxayaan sheekooyinka ugu naxdinta badan.
 
Dadka wajahaya gaajada ayay tiradoodu korortay boqolkiiba konton, dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa barakacay sababahaas dartood, iyadoo ay xaaladda uga sii dartay colaadda Ukraine oo keentay in qamadigii laga joojiyay meelaha loo dhoofin jiray.
 
Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.
 
Wargayska New York Times ayaa isbuucan daabacay sheeko ku saabsan haweeney Soomaali ah oo ka mid ah dadka ay sida ba’an u gaartay musiibada ka dhalatay abaaraha.

“Waan aasnay, waana sii soconnay”

Xirsiyo Maxamed ayaa markii uu dalaggeedii roob-la’aan u xumaaday, arigii ay haysatayna uu ka dhammaaday, waxay go’aansatay in ay kasoo tagto gurigeeda oo ku yaallay Koonfur-galbeed Soomaaliya.

GETTY IMAGES
GETTY IMAGES

Waxay soo xambaarsatay, qaarna gacanta soo qabsatay saddex ka tirsan siddeed carruur ah oo ay dhashay, iyadoo cagta soo saartay waddo dheer oo kuleyl iyo bus badan, mararka qaarna uu heer-kulku gaarayay ilaa 100 digrii oo cabbirka kulaylka lagu qiyaaso ah.
 
Intii ay dhexda kusii jirtay, wiilkeeda Aadan oo saddex sano iyo bar jiray ayaa dhaqaaqi waayay, waxa uuna ka baryay inay siiso raashin iyo biyo. Balse wax ay siiso uma aysan haynin, sida ay u sheegtay wargayska New York Times.
 
Afar maalin oo socod ah kaddib waxay gaareen xero loogu talagalay dadka soo barakacay oo ku taalla magaalada Doolow. Laakiin gabadheeda oo 8 jir ahayd oo ay nafaqo-darro aad u xun ku dhacday ayaa isla markiiba billowday qufac, wayna geeriyootay, sida ay sheegtay.
 
Iyadoo dhex fadhisay teendho si kumeel-gaar ah hoy looga dhigay oo ku taalla xerada, dhabtana ku haysata gabadheeda Maryam, oo 2 sano iyo bar jirta, ayay bishii lasoo dhaafay tiri: “Abaartan wax walba way naga dhammaysay.”

GETTY IMAGES
GETTY IMAGES

Hooyooyin kale oo badan ayay ku dhaceen xaalado la mid ah ama u dhow tan Xirsiyo.
 
Carruurta qaar waxay xamili waayeen culeyska safarka iyo dhibaatada gaajada iyo xanuunno isugu darmay. Waxaa ka mid ahayd Fardowsa oo saddex sano jir ahayd oo lagu aasay meel aan ka fogeyn xerada uu qoyskeedu degay oo ku taalla Doolow.
 
Waxay dhimatay wax yar un kaddib markii uu qoyskeeda halkaas gaaray. Gaajada ka sokow, nafaqo-darro ayaa haysay, waxaana ugu darmay jadeeco iyo cagaarshow.
 
“Waxay u dhimatay in aan u waayay wax aan ku badbaadiyo. Wax aan ku tifqiyo ayaan waayay. Haddii aysan abaarta ahaan lahayn oo ay ii joogi lahaayeen xoolaheyga, gabadheyda wax aan ku badbaadsado ayaan u heli lahaa,” ayay tiri Fardowsa ayeeyadeed oo la hadashay BBC-da.
 
Qaramada Midoobay waxay ka digtay in hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ay sanadkan wajihi doonaan nafaqo-darro.
Xigasho BBC SOMALI

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...