Afgembi ka dhacay dalka Niger & Waddamo badan oo dhaleeceeyay Afgambigaasi

|

Niamey  (ONKOD) Warbaahinta  dalka Niger  ayaa ku warantay maanta oo Khamiis ah in ciidanka dalkas Niger oo ku yaalla Galbeedka Africa, militiriga ay kaga dhawaaqeen afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

War kasoo baxay milatariga afgembiga sameeyay ayaa lagu sheegay in ay xireen xuduudaha dalka Niger ayna socdaan howlgalo nadiifin ah, waxa ayna dadka ugu baaqeen in ay is dejiyaan.

Qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka iyo qaarada Afrika ayaa si kulul u dhaleeceeyay afgembiga ay sameeyeen ciidamada milatariga, waxa ayna ku tilmaameen afgembigaasi wax aan xilligan la aqbali karin.

Dalka Niger waxaa horey uga soo dhacay afgembiyo iyo isku dayo badan , waxaana dalkan uu daris la yahay dalalka Mali iyo Burkina Faso oo iyana marar badan ka dhaceen afgembi talada lagula kala wareegay.

Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay falka ay ku kaceen askartaasi, iyagoo sheegay inay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Niger ayaa tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska 1960-kii ayaa waxaa ka dhacay afar afgembi, iyo isku dayo badan oo afgambi ah.

Madaxweyne Bazoum ayaa si dimoqraadi ah loo doortay 2021, waa saaxiib dhow oo Faransiis ah, iyo waddamada kale ee reer galbeedka.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha