Afhayeenka Booliska, oo war ka soo saaray Bandow lagu soo rogayo Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in bandow ka bilaabanaya caawa lagu soo rogi doono magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in berito ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Dawladda Federaalka, ee xilkan hayn doona afarta sanno ee soo socota.

Dhinaca kale waxaa wali socda ololaha ay murashaxiinta xilka madaxweynaha ku tartamaysa ay ka wadaan magaalada Muqdisho, xili hoteellada magaaladu la ciirciirayaan dad gudaha iyo dibadda ka kala yimid.

Dadkani qaarkood ayaa kala taageeraya murashaxiinta tartamaysa, halka qaar kalana ay u yimaadeen inay goobjoog u noqdaan doorashada berito dhacaysa.

Goobta ay ka dhaceyso doorashada, ayaa la diyaariyey, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada ATMIS ee ka socda Midowga Afrika.

Related Articles

News In English

Fikradaha