Agaasimihii Villa Somalia, ee Farmaajo oo shaaciyay in deyn lagu leeyahay + Video

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Agaasimihii hore ee Villa Somalia Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo xalay xilkaas wareejiyey ayaa shaaca ka qaaday in deyn lagu leeyahay xarunta dalka looga arrimiyo.

 

Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban.

 

“Liiska aan wareejinayo waxaa kamid ah shaqaalaha rayidka ahaa ee Madaxtooyada, Shaqaalaha KMG ah ee Madaxtooyada, Shaqaale la yiraahdo is xilqaan oo madaxtooyada ka tirsan, deyn kooban oo madaxtooyada lagu leeyahay, dukumiinti profile ah oo waaxyaha dhan ay ku qoran yihiin oo aan ku wareejinay Electronic, Liiska Hantida Madaxtooyada ay heysato oo dhammaan way lambareysan yihiin & Shaqaale raacay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si dadban Madaxtooyada uga tirsanaanayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Ciise agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

Maxamed Cabdullaahi ma sheegin ama faha-faahin kama bixin waxa ay tahay deynta lagu leeyahay madaxtooyada.

 

Warka kasoo yeeray agaasimihii hore ee madaxtooyada ee ah in deyn lagu leeyahay Villa Somalia ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna dadka qaar shaki geliyeen sheegashadii madaxweynihii hore ee Farmaajo ee aheyd in dowladiisa ay si weyn ula dagaalantay musuq-maasuqa, isla markaasna ay ku dadaashay bixinta xuquuqda lagu leeyahay.

 

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa hadda maamulkeeda la wareegay Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah agaasime iyo ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan kuwaas oo uu dhowaan uu magacaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud, ayagaana laga doonayo inay xog dheeri ah ka bixiyaan waxa ay tahay deyntan.

 

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

 

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.

 

Halkaan hoose ka daawo hadalka agaasimihii hore ee madaxtooyada

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...