Akhriso, Qoondada Wasaaradaha DFS ee miisaaniyadda 2022-ka iyo kuwa ugu muhiimsan

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu matalayey wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa axaddii 12-kii bishan waxaa ay kulanka wadajirka ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka qeybisay xeerka qoondada miisaaniyadda 2022-ka oo wadar ahaan kutalagalku yahay $918,666,761.

Shaxdan Hoose, waxaan u kala hormarinay sida wasaaradaha ay qoondo ahaan u kala lacag badan yihiin:

1. Maaliyadda iyo Mashaariicda waxaa loogu talagalay: $206,780,958, Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoondo ahaan ku leh: $10,845,840 halka inta soo harta loo qoondeeyey mashaariic, xafiiska xisaabiyaha guud, adeegga guud ee dowladda, agaasinka xarunta warbixinnada maaliyadda iyo hey’adda iibka qaranka.

2. Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa guud ahaan loo qorsheeyey: $30,169,026, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa ay lacag ahaan heli doontaa: $8,423,355 halka inta soo hartay lacagta loo qeybin doono mashaariic, jaamacadda umadda, akaademiyadda fanka iyo suugaanta iyo akaademiyo goboleedka Afka Soomaaliga.

3. Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Mashaariicda waxaa uu guud ahaan ku bixi doonta: 16,357,476, Wasaaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ah ayaa qoondo ku heli doonta: $7,298,283 halka lacagta soo hartay lagu qarash gareyn doono mashaariicda SURP, SURP PH2, SUIP, guddiga qaxootiga qaranka iyo barakacyaasha, iyo hey’adda diiwaangelinta dadweynaha.

4. Warfaafinta waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $6,217,798, Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay qeyb ahaan heli doontaa: $6,217,798.

Related Articles

News In English

Fikradaha