Al-Shabaab oo gubay Guryo iyo Ceelal ku yaalla deegaannada Hiiraan

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wararka Idaacadda Onkod ee Muqdisho uu ka heleyo degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen dhammaan guryihii kuyaallay degaanka.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii, sidoo kalena  qarax ku bur-buriyay Halkii  ceel biyood ee ku yaallay deegaanka Ceel Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen in xilligaan ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah kadib markii Ceelkii biyaha ay ka cabayeen iyo Guryihii ay ku noolaayeen ay gubeen Al-Shabaab.

“Walaaloow annaga oo guryaheenna iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnay qaraxyo ayay ku burburiyeen, ma naqaano waxa aan ka galabsanay ayuu yiri” Mid kamid ah dadka degaanka Ceel jiqoow oo hoostaga degmada Maxaas.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla Gobolka Hiiraan, sidoo kalena ay qaraxyo ku burburiyaan Ceel biyodyo, waxaana tllaabadan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda ka wadaan degaanno & degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

Related Articles

News In English

Fikradaha