‘’Al- Shabaab oo lacagtii ugu badnayd ku bixisay xil ka qaadista CALI Jayte’’

|

Beledwayne (ONKOD) Tan & markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan , waxaa soo baxaya warar kala duwan oo  ku saabsan sida ay ku  timid xil ka qaadistaas.

Guddoomiye Cali Jayte in muddo ah waxa uu khilaaf kala dhaxeeyay madaxwaynaha  Hirshabeelle Cali  Guudlaawe , waxaana markii ay soo baxday warqada xil ka qaadistiisa soo baxaya war sheegaya in la curyaaminayo howlgalka Hiiraan.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa Facebook-kiisa ku qoray , in xil qaadista Cali Jayte ay la micna tahay curyaaminta howlgalka , isla markaana ay riixayaan kooxda Al- Shabaab oo ku guuldaraystay in ay qaarijiyaan.

Xildhibaan Mahomed Abdulkadir ayaa sheegay in lacag gaareysa labo milyan oo dollar ay Al-shabaab ku bixisay in xilka laga qaado Cali Jeyte Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

“Warqadii ugu qaalisaneyd ee soo baxday qarniga 21aad laguna  gatay inta illaa iyo hadda aan ognahay 2 million oo dollar ayey argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Xildhibaan Mahomed Abdulkadir in Cali Jeyte uu laf dhuun gashay ku noqday Al-shabaab sababta xilka loga qaadayna ay tahay sidaas.

“Cali Jeyta  waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee  ugu horeeyay  oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar, Marki ay u suurageli waysayna ku bixisay  2 Million  Xil ka qaadistiisa” ayuu intaas ku daray Xildhibaanka.

Magaalada Beledwayne waxaa lagu soo waramayaa in xil ka qaadista Cali Jayte ay ka dhalatay caro xoogaan oo sababtay in waddooyinka qaar dad caraysan ay xirtaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha