Al-Shabaab oo lagu jabiyay dagaalkii ay ku qaadeen Baxdo

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa deegaanka ah ay iska caabiyeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab saaka kusoo qaaday deegaanka kaasoo ku bilowday qaraxyo.

Sida ay ay dadka deegaanka noo xaqiijiyeen, dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan.

Inta la xaqiijiyey, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaakaas looga dilay ku dhawaad 20, halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Kooxda ayaa awoodi weysay inay qaadato meydadka kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulantay ciidamo daacad u ah culumo ku sugan Baxdo oo halkaas ka akhriyo duruus diini ah.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray ciidamada dadka deegaanka ee daacadda u ah culimada Ahlu Sunna, waxaana la xaqiijiyay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 5 kale.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan, waxaana joogo ciidamo daacad u ah culamo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka.

Deegaanka Baxdo ayaa 90km u jiro magaalada Cadaado, waa deegaan hoos tago Cadaado oo aan weli loo aqoonsan degmo.

Related Articles

News In English

Fikradaha