Muqdisho (ONKOD) Ka dib go’dib go’doomintii kooxda Al- Shabaab ee magaalada Baydhabo waxaa muuqanaysa in gabi ahaanba uu istaagay gadiidkii dadwaynaha ee gali jiray magaalada Baydhabo.
Gadiidkii ka raraan jiray magaalada Baydhabo ee aadi jiray magaalada Baydhabo ayaa gabi ahaanba istaagay sabab la xiriirta amarka kooxda Al- Shabaab ee la xiriira go’adoominta Baydhabo.
Warar la helay ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab gadiidka Baydhabo aadi jiray ee ka bixi jiray magaalada Muqdisho ay ku amreen in aysan bixi karin amarkaas oo dhaqan galay.
Bosteejooyinka Baabuurta ee magaalada Muqdisho ee Gadiidka Baydhabo aadi jiray ayaa labadii maalin ee la so dhaafay ,ahayd mid hawaanayso oo aan joogin wax gadiid ah .
Arintan waxay saamayn ku yeelatay , dadka shacabka ah ee ku safri jiray dhulka kuwaas oo aan awoodin in diyaaradaha ay raacaan.
Al – Shabaab ayaa waxa ay u muuqdaan in amarkooda uu ka dhaqan galay magaalada Muqdisho , maadama gadiidka Baydhabo aadi jiray ay ku amreen joojinta shaqada.